"Miyay kuwa wax og la siman yihiin kuwa aan wax ogayni”

Haddii aynnu ka fekerno ama is waydiinno shayga qudha ee sababay kala duwanaanshaha aadka u weyn ee taddawurka insaanka. Waxaa laga yaabaa in ay tahay awoodaha dadku ku kaydiyo ama uu isugu gudbiyo cilmiga, isaga oo isku gaadhsiinaya qaabab kala duwan sida: wada-hadal, suugaan, heeso, iyo casharro laga baaraandegay. Laakiin dadku waxay si dhakhso ah u ogaadeen inay u baahan yihiin tababarro iyo xirfado aad u badan si uu wax kasta ugu qabto si hawlkarnimo leh. Waxaynnu ognahay in xirfadda shaqo ee qofka wax bartay ay ka badan tahay ta qofka aan waxba baran. Qofka wax bartay wuxuu awoodaa inuu abuurto dakhli badan, door weynna ka qaato koritaanka dhaqaalaha qaran, marka loo eego qofka aan waxba baran.Waxbarashada loo baahan yahay ma aha oo qudha in la is weydaarsado fikrado ku saabsan mawduuc gaar ah, laakiin waa in ay yeelan kartaa waxtar qiimi leh oo qofka siin kara meeqaam bulsho ahaan wanaagsan iyo kalsooni. Waa inay sidoo kale qofka u oggolaan kartaa inuu sameeyo go’aannada ku habboon nolosha iyo garasho uu ku fahmi karo isbedellada ka dhex dhacaya bulshada. Waa inay sidoo kale dhiirrigelin kartaa soo-saarista halabuur cusub (innovations); iyada oo laga dab qaadanayo fikrado hore u jiray. Intaas ka sokow, waa inay suurtogalin kartaa in wadarta guud ee dadka aqoonta leh ee shaqeeya ama shaqo raadinayaa si fudud ula qabsan karaan technolagiyadda casriga ah.Marka la soo koobana, nuxurku wuxu ku soo ururayaa hadalka mudnaanta badan ee Ilaahay ku xusay Kitaabkiisa sharfan ee ah:“Miyay kuwa wax og la siman yihiin kuwa aan wax ogayni”. Culimada tafsiirku waxay aayaddan ku fasiraan in ujeedku yahay tusaalayn ku aaddansida aanay u sinnayn kuwa aqoonta leh iyo kuwa ka aqoonta ka arradani. Taasi waxay inoo iftiiminaysaa sida Ilaahay u weyneeyay farqiga u dhexeeya qofka cilmiga leh iyo ka aan lahayn.Halabuurka suugaanta Soomaaliyeed iyo indheergaradka ummaddu arrintan marnaba iskamay indho-tirin, waxaanay si xeel-fogaan leh ugu nuuxnuuxsadeen muhiimadda aqoonta iyo kala-duwanaanshaha qofka wax bartay iyo ka aan waxba baran iyo sida ay taasi u saamayso illaa iyo horumarka dalalka dunida iyo hodantinimada dhaqaale, siyaasadeed ama ba heerarka nololeed. Xasan Sheekh Muumin waxa uu ka mid yahay fogaan-aragga arrintaas ka hadlay. Bal u fiirso isbarbardhigga ka muuqda tuducyadan hoose oo ka mid ah heestiisa Gorayo:“Goroyadu ilmaheedaAroori bay dhigtaayooAboodigu ku laayaa;Shimbirtuna aroos ayIla-xidhoo ammaan ah bayUbadkeeda seexisaa;Kala awran labaduyeEdebtiyo aqoontiyoAsluubtay isku dhaafeen;Caqligii wanaagsaniItaal inuu ka roonyahayBal eegoo u fiirsada
No comments:
Post a Comment