Siyaasi BAAQ
QARANIMDADA WAAN JECEL AHAY *************************** DOWLADANIMO WAA GOBANIMO
Wednesday, July 22, 2015
Thursday, July 16, 2015
JIRITAANKA QARANIMO WAA AWOODA CIIDAN
Waxaan Dhamaan u hanbalyayanayaa Dhamaanaba ciidanak qaran jamuuriyada somaliland waxaan leeyahay iyaga iyo caruurtooda xaasaskooda sandka sandkiisa bashbash barwaaqo ku gaadha Waxaad Tihiin Lafdhabka wadanka Laantiin NOOMA SUURTOOWDEEN NABADAN AAN HADA KU NASTEEXAYSANAY Alle ALLE HA IDNDAAYO
SIYAASI BAAQ AXMED TAMRAYSE WAA HOGAAMIYAHA MUSTAQBALAKA
Xaqiiqiyan Waa Ka Rumayn Doonaa Haduu Allah wayni Subxaana Watacaalaa Ayaamo iisii Daayo Nolosha Insha Allah Waxaan Qaadi doonaa Talaabo Kata oo aan Ku Hanankaro Himiladayda ***************************************************************************
Saturday, July 11, 2015
Qaranimdu Waa Nolosheena
Geesiyaalkii Soomaaliland, Kuwa aan ku dhaarano, kuwa jecel Wadankooda Soomaaliland.waa dhowyahay,Hadafkii Qarankani, hadii aan noqono hal iyo gacmo isku xiran keliyana hore u socon karnaa, oo aan gadaal fiirin, khasaaradu waafiirin sanadaha ka tegey adigoon indhahagu qaban sanadaha soo socda. guuleysigu
" Nabad iyo Naxariista Rabbigu duushiina ha ahaato"
Monday, July 6, 2015
TAHRIIBTU WAA AAFO QARAN OO DHALINYARADEENA KU HABSATEY XALKEEDANA MA’AHAN MID CID KALIYA KU KOOBAN WAA MID CID WALBA UTAAL, SIDII LOOGA HOR TEGI LAHAA MUSTAQBALAK DHALINTA EE MUGDIGA SII GELAYA
TAHRIIBTU WAA AAFO QARAN OO DHALINYARADEENA KU HABSATEY XALKEEDANA MA’AHAN MID CID KALIYA KU KOOBAN WAA MID CID WALBA UTAAL, SIDII LOOGA HOR TEGI LAHAA MUSTAQBALAK DHALINTA EE MUGDIGA SII GELAYA
Tahriib waa qof raba in uu si sharci darro ah ku galo wadan kale oo aan laga ogaleyn tahriibta waxay ka mid yahay faldambiyeedyada qawaaniinta caalamka la dagaalanto lana mid ah sida maandooriyaasha, tahriibtu waa socdaal aan sharci loo haysan oo dhib iyo rafaad ku saleysan kaaso qofku naftiisa ku biimeeyo waxyaalo khatar ah,
Hadaba waxaa jira dhaliyaro badan oo Iyagoo doonayaa in ay maraan wadada dhibka iyo rafaadka badan ee saxaraha iyo badba isagu jirta ee ka bilaabanta Somaliland ilaa talyaaniga arintan waxay aad usoo koradhey mudooyinkii u danbeeyaya lakiin iminka waxay gaadhey halkii u sareysay oo aad arkeyso dhalinyaro aad uu yar yar oo hadal haaya saxaraha sudaan , libiya iyo lambaduusa markaad tagto meelaha ay dhalinyaradu isagu timaado waxaad arkeysaa iyagoo hadal haya oo leh “hebel mudo wax war ah lagama haayo “ iyo hebel ayaa doontii ku qornaa ee duceeya in uu ilaah bada u fudeeyo” iyo “ hebal baa galey talyaaniga balse nasiib xumo faraa laga qaadey isagoo fadhiyi doona mudo badan isagoo wax shaqo ah heli doonin darbi jiifna ku noqon doona darbiyada talyaaniga sida ku dhacdey dhacdey dhalinyaro badan.
Hadaba maxay tahay tahriib goormeyse bilaabatey? taariikh ahaan tahriibku waa shay soo jireen ah sida laysla qaatayna ka soo bilaabmay qaarada Yurub muddo iminka laga joogo boqolaal sanadood ayaa dadka reer Yurub waxay ku qulquli jireen dhinaca Maraykanka ama America ,taasi waxa kasii danbeeyay oo xoojiyay tahriibkii dib uga bilaabmay qaarada Africa kadib markii dadkii la adoonsan jiray (African slavers) ee qaarada Africa ay markii danbe noqdeen kuwo dega oo hela nolol liita balse la is lahaa waxay dhaantaa tii markaa ay ku jirtay qaarada Africa oo ahayd mid qoloqolo iyo qabiil qabiil laysku laayo, (African civil crisis) ayaa waxay dadkii qaarada ku sugnaa door iyo dan moodeen inay xamaanta iyo xaabada u gurtaan qaaradaha Yurub iyo Ameerica oo markaa dadku u hayaami jireen iyada oo markii dambe gaadhay ilaa waqooyiga qaarada Aasia oo dadbadani kaga soo furmeen Ameerika
Guntii Iyo Gabagabadii waxaan Hadalka Kusoo afmeerayaa Dhalinyarada tahriibaysa meesha aad u socotaa waa meel dhalinyaradii u dhalatay ay horumar gaadhsiiyeeyn kana dhigeen meel loo soo tahariibo
balse Adigu ma kula saxan tahay in aad adoo wadankaaga ka dhigi kara mid loo soo tahriibo in aad adgu caqli xumadaada aad ka tahriibtio
waa run in caqabado badan ay dhalinyarada ay ku xeerana yihiin sida-:
1:in aan la siin Xuquuqdoodii Dhalainyara Nimo ee ay ku Lahaayeen talada wadanka iyo maamulka,
2-:in aanay Helin wax taageero ah oo dhiirigelin ah ama shaqo abuur ah , haday xukuumad ahaan lahayd iyo haday haayadaha caalamiga ahaan lahaydba
*******************************************************************************************
Dhalinyarada soomaaliland iintii maqaalkani gaadho waxaan kula talin lahaa in ay yeeshaan urur ay kumidoobaan oo udooda xuqooqdooda,
ururka SONYO Umbrella maaha mid ka hadla xuquuqda dhalinyarada balse waa Urur hoostaga Xukuumada.
waa in dhalinyarada somaliland yeeshaan urur xor ah oo metela danohoododa iyo baahiyahooda oo xor u ah in uu xukuumada jirta hor dhigo baahiyaha iyo shaqalaanta dhalinyarada ama qorshayaasha horumarineed ee dhaliyarada.
SONYO Umbrella Inama metesho waa urur aan xor u ahayn in uu baahiyaha iyo qorshayaasha dhalinyarada iyo xuquuqda dhalinyaro uu hor geeyo xukuumada. waa in Dhalinyarad soomaaliland ay yeeshaan urur u dooda iyaga oo xor ka ah xukuumad xisbi iyo haayad dawli ahab
**************************************************************************************************
by: Siyaasi Baaq Ahmed Xuseen
Wednesday, June 24, 2015
Waxaan Marwalba Utaganahay Midnimada iyo Horumarka Bulshada Somaliland Bulshada Somaliland Waa Bulsho WaLaalo Ah oo Ku Bahoobay Midnimo
HA KU BiiMAYN NAFTAADA BADWAYNTA IYO BIIMAHA SAXAARAHA
waa Caqli xumo waa talo xumo waa Feker Xumo in aad intaad Wadankaaga Hooyo aad ka Tahriibto aad wadankale oo aanad waxba kuhaysan in aad tagto.Runahaantii Waa Cibaaro aad looga murugoodo in Dhalinyaradii Wadanku ay ku baabeen Badawaynta iyo Biimaha saxaaraha,Waana ay ku Khaldanyihiin, waayo Wadankooda ayaa ay kahelikaraan waxan ay Utahriibayaan wadanka aqoon waa taalaa Horumarna waayaalaa Shaqona Waa Taal Laakiin waa ay iska indhatireen waxaan ayna aamineen in irsaaqada Yurub taala ay dhaamto irsaaqada Wadankooda waana Ku Khaldanyihiin Kumanaan Jeer., maxaayeelay Alle meelkasat Joogaan Irsaaqada iyo Calafkooda waa Mid isga Gacantiisa ku Jirto ,wixii uu U qorayna mawaayayaan Laakiin waa ay iska indha tireen waana ay ka kibreen waxaan Marlabaad iyo marsadexaadba Canbaaraynayaa Dhalinyarada Ka qulqulaysa wadnkooda Hooyo ee Uqulqulaysa wadankale oo aan shaf iyo magac toonata kaga Horayn*********************************************************************************Adoo Dhulkaaga Dhisankara Ha U DhooFin Dhul Asaagaa Hagaajisteen
Subscribe to:
Posts (Atom)






